Hayle ayaa ka dalbatay waaxda xuuraansiga (secret service) in loo yeelo waardiyaal amaankeeda damanaad qaada, Niki waa gabar murashax u ah Madxweynaha Markeynka aydoo hardan ugu jirta sida ay ku noqon laheyd murashaxa madaxweyne ee xisbiga jamhuuriga.
Marwo Heyle waxey sheegtay iney la kulmeyso hanjaabdo farabadan marba mark aka danbeyso, aydoo sheegtay iney tahay qpfka kaliya ee tartanka xisbiga jamhuuriga kula jira Donald Trump, kadib markii dadkii kale ee la tartamayay dhamaantood hareen .
Sida laga soo xigtay saxiifada world street journal, waardiyasha gaarka ah ee Niki Heyle ayaa sheegay in isbuucii lasoo dhaafay ay fashiliyeen hawaneey isku dayday inay kasoo ag dhawaato marwo Hayli; dhacdas ayaa ka dhcaday mar ay meel fagaaro ah kula hadleysay tageerayasheeda gaar ahaan Magaalada kolombiya; sidoo kale waxa jiray 2 dhacdo oo ka dhacday gurigeeda oo ku yaala South corolina markaa ay meesha soo gaareen kooxda gurmadka degdega.
Secret service markeyanka ma xadido qofka mudan in ilaalo gaar ah loo sameeyo lkn waxa go’aankaas gaaro wasiirka Aminga Gudaha kadib markii uu la tashado gudiga talo bixinta kongareyska.
Robert Kennedy junior oo ahaa musharax madaxbanan ayaa hore loogu diiday in loo sameeyo ilaalo gaar ah lkn waxa jira jira dad ilaalo gaar ah hore loogu sameeyay sida Barack Obama markii uu ahaay xubin ka tirsan Golaha Duqowda Mareykanka sanadkii 2007 sbabo la xariira ciriiri galin iyo cago jugleyn fara badan.