Dawladda Soomaaliya ayaa muddadii sannadka ahayd ee ugu dambaysay waxay heshiis la gashay dhowr dawladood oo kala geddisan.
Dalalkaas oo isugu jira, Muslim, Carab iyo Afrikaan ayey siyaabo kala duwan isugu xiran yihiin Soomaaliya, laakinse qaarkood xiriirka ka dhaxeeya ma fiicna.
Dalalkaas waxaa ka mid ah Itoobiya, Turkiga, Sacuudiga, Iimaaraadka carabta iyo Masar.
Sida lagu daabacay barta X oo hore loo oran jiray Twitrer ee wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaaliya Abshir Huruuse oo isagu saxiixay heshiiska amni oo ay Soomaaliya la gashay Sacuudiga ayaa lagu xusay in heshiiskaas uu “muhiimad gaara u leeyahay xilligan dalka Soomaaliya”. Faahfaahin intaas dheer lagama bixin.
Heshiiska Iimaaraadka ay la gashay Soomaaliya Febraayo 2023 ayaa qodobadiisa waxaa ka mid ah in Iimaaraadka uu xaq u yeelanayo adeegsiga marinnada barriga, dekadaha badda, garoomada cirka ee dhulka jamhuuriyadda iyadoo kaashanaysa dowladda Soomaaliya. Qodobada kale ee heshiiskaas ku xusan waxaa ka mid ah
– Inuu fuliyo Iimaaraadka howlgallada ciidan iyo amni oo ay kamid yihiin howlgallada barriga, badda iyo cirka ee uu u arko in ay habboon tahay isaga oo kaashanaya Soomaaliya, si loo baabi’iyo ururrada argagixisada ah ee ku sugan dalka
– Imaaraatku wuxuu la baxayaa kharashaadka maaliyadeed iyo kan howlfulineed ee ciidankiisa howsha ku jira si waafaqsan heshiiskan
– Soomaaliya waxay Imaaraatka u ogalaanaysaa adeegsiga dhulkeeda marka ay fulinayso howlgallada ka dhanka ah khataraha soo food saarayo ciidamadeeda ama howlaha uu qabanaayo si waafaqsan heshiiskan.
Heshiiska ay Soomaaliya dabayaaqada sannadkii hore la gaartay Itoobiya oo aan Baarlamaanka la hor keenin ayey u muuqataa inuu hakad ku yimid sababo la xiriira mad-madowgii ka dhashay heshiiskii ay Itoobiya todobaadyo ka dib wakhtigaas la gashay Somaliland ee dhigayey in ay marin u hesho badda cas, taa beddelkeedana ay Somaliland u aqoonsato dal madax banaan.
Heshiisyaada waxaa ugu dambeeyey kii maalmo ka hor Turkiga iyo Soomaaliya ay ku saxiixdeen Ankara ee la xiriiray difaaca.
Halka arrin ee ay ka midaysan yihiin dhamaan heshiisyadaas ayaa ah in aan wax badan laga ogayn iyo in aan badankood uusan baarlamaanka Soomaaliya ansixin.
Laakin arrinta aan diiradda saari doonno ayaa ah waxtarka iyo mushaakilka heshiisyadaas, iyo sida ay wax uga tari karaan amniga Soomaaliya.
Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amaanka wuxuu qabaa “in heshiisyadaas aysan ahayn heshiisyo istaraatijiyadeed”
Wuxuu tusaale u soo qaatay heshiisyada lala galay Sacuudiga iyo Iimaaraadka oo uu ku tilmaamay dalal ah (Soft powers), awoodo aan militari ahaan wax ku xallin laakin dhaqaale fiican leh, wuxuuse ka reebay heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga dhawaan dhex maray.
“Turkiga waa (Super power) awood xoog leh oo ciidamo cir iyo kuwo bad oo fiican leh, hesiiskeeduna ku soo aaday xilli ay Soomaaliya baahi u qabto inay ilaashato xuduudaheeda ayadoo aan awood u lahayn inay iska difaacdo maraakiibta shisheeye, kalluumaysatada sharci darrada ugu soo xadgudba iyo burcad badeedda”.
Arrinta ku saabsan heshiiska Masar lala galay ayuu ku tilmaamay in “Masar ay xurguf kala dhaxayso Itoobiya, sida darteedna qaab caadifadaysan ayey doonaysaa inay Soomaaliya xiriir ula samaysato, laakin awood uma laha inay badda Soomaaliya difaacdo”.
Wuxuu Axmed Kaboole intaa ku daray in Soomaaliya aysan wakhtigan u baahnayn heshiisyo tiro badan. “Maadaama koontaroolka dhuleed ee xuduudaha uusan gacanta noogu jirin, heshiiska faa’iidada u leh Soomaaliya wuxuu noqon karaa kan Turkiga” ayuu yiri.
“Soomaaliya waxaad mooddaa sidii dal wax ka lumeen oo hadba meel gacanta la galaya” ayuu yiri isagoo ula jeeday in “istaraatiji ahaan aan laga fekerin heshiisyada qaarkood”.
Dhinac kale isagoo ka eegaya wuxuu Axmed Kaboole ku tilmaamay dalalka heshiisyada lala galay badankood in dano ay ka leeyihiin Soomaaliya.
“Heshiisyadan wax faa’iido ah oo Soomaaliya ugu jira ma jiraan dhul iyo badba, marka laga reebo heshiiska Turkiga oo ah mid la isku hallayn karo, Soomaaliyana ka difaaci kara awoodaha aysan iska difaaci karin” ayuu yiri Axmed Kaboole.
Xigasho BBC.