Adeegga mobilada bakistaan ayaa la hakiyey doorashada awgeed ayadoo xuduudaha la xiray iyadoo codbixiyayaashuna ay u dareerayaan goobaha codbixinta.
Adeegga isku xirka mobilada iyo xogaha ayaa la xiray guud ahaan dalka Pakistan iyadoo dalkaasi maanta codad laga dhiibanayo, iyadoo sidoo kale la xiray xudduudaha Iran iyo Afgaanistaan kadib weeraro argagaxiso oo lagu hoobtay habeenkii doorashada.
Kormeerayaasha ayaa ku tilmaamay mad madowga internetka bilaw xun,waa maalin ay in ka badan 128 milyan oo qof isku diwaangaliyeen inay codkooda dhiibtaan.
Codbixinta ayaa bilaabatay 8-dii subaxnimo ee waqtiga maxaliga ah iyadoo goobaha cod bixinta ay ka furmeen golayaasha qaranka iyo kuwa gobolka.
Doorashadii Pakistan oo si weyn loo wada sugayay, muran badana ka dhashay ayaa waxaa hareeyay hawlgalada lagu hayo raysalwasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan iyo xisbiga uu caanka ku yahay ee PTI, iyo waliba cabsi baahsan oo laga qabo in wax isdabamarin lagu sameeyo.
Doorashada ayaa timid maalin kadib markii ugu yaraan 30 qof lagu dilay qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay labo xafiis oo siyaasadeed oo ku yaal gobolka Balochistan.
Tirinta codadka ayaa bilaaban doonta goor dhow ka dib markii ay soo idlaatay codbixinta 5 galabnimo ee waqtiga maxaliga ah, waxaana la filayaa in natiijada hordhaca ah ay soo baxdo saacado kooban gudahood.
Saddexda xisbi ee ugu waaweyn Pakistan waa Pakistan Muslim League-Nawaz (PML-N), Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) iyo Pakistan People’s Party (PPP). Si kastaba ha ahaatee, PTI ayaa loo diiday xaqa ay u leedahay in ay ku tartanto astaanteeda doorashada waxaana lagu qasbay in ay taageerto liiska madax banaanida.